Waa maxay Mental Health Tribunal?

Mental Health Tribunal waxay go’aan ka gaartaa haddii bukaanadu u baahan yihiin daaweyn caafimaad oo maskaxada ah oo khasaba (daaweyn ay waajib tahay inay qaataan). Waan ka madax banaanahay adeegaaga caafimaadka waxaanuna bixinaa dhegaysi cadaalad ah si loo ilaaliyo xuquuqdaada.

Maxaa ka dhacaya dhegaysiga Maxkamada Taraybuunlka?

Dhegaysiga Taraybuunalku waa kulan aan go’aan kaga gaarno daaweynta caafimaadka Dhimirka. 

  1. Saddex xubnood oo ka socda Taraybuunalka ayaa akhriya warbixin ka timid kooxdaada daaweynta iyo macluumaad kasta oo aad bixisay.
  2. Waxaanu wada hadal la yeellanaa adiga iyo kooxda daaweynta. Waxaana lagu weydiinayaa fikradaada wixii ku saabsan iyo waxaad jeclaan lahayd.
  3. Waxaan go’aan ka gaaraa haddii daaweyntaadu noqonayso khasab (daaweynta ay tahay waajib inaad qaadato) 
  4. Waxaan kuu sheegaynaa go’aankayaga. 

Dhegaysiga waxaa badanaa la qabtaa inta u dhexaysa 9ka subaxii ilaa 5galabtii. Dhegaysigu wuxuu qaataa 1 saac (iyo 40 daqiiqo oo loo qoondeeyey wada hadalka). Waa kuwa gaar ah qarsoodina ah.  

3 xubnood oo Taraybuunalka ka socdaa waa: 

  • Xubin sharci yaqaan ah
  • Dhakhtar cilmi nafsiga yaqaan
  • Xubin bulshada ka socda.

Maxaan dhegaysiga maxkamada u aadayaa?

Dhegaysigu waa muhiim inaad fikradaada dhiibato wixii ku saabsan haddii aad u baahan tahay daaweyn khasab ah. Haddii aadan ka soo qaybgelin waa in aan go'aan gaarnaa la'aantaa.

Maxaa maxkamada Taraybunalku go’aaminaysaa?

Waxaanu go’aansan karaa in la (laalo) Amarka Daaweyntaada. Haddii aad ka baxdo Amarka daaweynta waxaad go’aan ka gaari kartaa inaad sii wado daaweynta.

Waxaan kaloo awoodnaa in aan ka gaarno go'aan mid ka mid ah arrimahaan:

  • Amarka daaweynta bulshada (Community treatment order) - Waa inaad qaadataa daaweyn laakiin uma baahnid inaad joogto Isbitaalka. Dhakhtarkaaga maskaxda ah ayaa joojin kara waqti walba.
  • Amarka Isbitaal ku daaweynta (Inpatient treatment order) - Waxaa waajib kugu ah inaad joogto isbitaalka daawana qaadato. Dhakhtarka ku daaweynaya ee maskaxda ayaa awooda inuu buriyo amarkaan ama u bedelo amar ku daaweynta bulshada (community treatment order) waqti kasta.

Haddii aad tahay 18 sano jir ama ka weyn amar ku daaweynta (treatment order) wuxuu noqon karaa ilaa 6 bilood.

Haddii aad ka yar tahay 18 sanadood amar ku daaweynta (treatment order) wuxuu noqon karaa ilaa 3 bilood.
 

Sidee Maxkamada Taraybuunalku go’aan uga gaaraysaa? 

Waxaan go’aan ka gaaraa haddii aad u baahan tahay Amarka Daaweynta adiga oo ka jawaabaya 4 su’aallood oo ku salaysan arrimaha lagu saleeyo go’aanka ee Xeerka Caafimaadka Dhimirka 2014.

  1. Ma qabtaa jirada dhimirka?
  2. Ma u baahan tahay daaweyn si looga hortago ka sii darida caafimaadkaaga dhimirka ama caafimaadka jireed, taas oo aad khatar kugu ah ama qof kaleeto?
  3. Hadda ma lgu daweeyaa haddii aad ku jirto Amarka Daaweynta?
  4. Amarka Daaweyntu ma sida keliya oo lagu xaqiijin karo inaad heli doonto daawada aad u baahan tahay baa? 

Haddii aad 4ta su’aallodba aad kaga jawaabto haa waxaanu samaynaynaa Amarka Daaweynta.   

Haddii jawaabta su’aallahani yihiin maya waanu burin doona Amarka Daaweynta.  

Sidaad ugu diyaargaroobayso dhagaysiga maxkamada? 

Waxaad samayn kartaa waxyaallahaan si aad diyaar u noqoto:

  • Hel qof kaa caawima diyaargarowaga 
  • Akhri warbixinta kooxda daaweynta ee adiga kugu saabsan 
  • Qorshay waxaad oran doonto
  • La hadal kooxda daaweynta ama Taraybuunalka wixii ku saabsan sida looga qaybgalo
  • Xiriirka lagu xirmo dhegaysiga online-ka ah ayaa la heli karaa 3 berri ka hor dhegaysiga.
  • La xiriir Traybuunalka (maxkamada) haddii aad jeclaan lahayd in aan email kuugu soo dirno linkiga dhegaysiga online-ka ah
  • Qoraal u soo gudbi Taraybuunalka oo ay ku jirto cadaynta doorbidida (haddii aad mid rabto)

Kooxdaada daaweynta ayaa kuu soo qori doona wixii ku saabsan sababta ay ugu malaynayaan inaad u baahan tahay daaweyn khasab ah. Waa in lagu siiyaa koobiga warbixintaan ugu yaraan 2 maalmood oo shaqo ka hor dhegaysiga. Weydii kooxdaada daaweynta koobiga warbixintaan haddii aadan mid helin.

Waad qorshayn kartaa waxaad doonayso inaad tiraahdo dhegaysigaaga adiga oo soo qoraya:

  • Haddii aad isbitaal ku jirto, ma doonaysaa in lagugu daaweyo bulshada dhexdeeda? Waayo?
  • Maxaa kaa caawin kara inaad bedqabto yaase ku kaalmayn kara?
  • Ma jiraa mid ka mid ah afarta nooc ama habka daaweynta khasabka ah oo aan ku khusayn? Waayo?
  • Ma jiraa wax uun ka qaldan warbixinta kooxda daaweynta?

Waxaad u soo gudbin kartaa taraybuunlka adiga oo isticmaalaya foomkayaga ah ‘Waxaan doonayo in aan u sheego Taraybuunalka’' foom ama websaytkayaga ah: www.mht.vic.gov.au 
 

Raadi caawimaad

Maclumaad intaas ka badan ama inaad nala soo xiriirto

Mental Health Tribunal
1800 242 703
mht@mht.vic.gov.au
www.mht.vic.gov.au

Mutarjumiin  

Naga soo wac Turjumaanka afcelinta Translating and Interpreting Service (TIS National) 
131 450

Haddii aad rabto turjumaan dhegaysigaaga u sheeg adeega caafimaadka. Waan bixinaynaa kharajka.

Garyaqaan

Victoria Legal Aid
1300 792 387

Mental Health Legal Centre 
(03) 9629 4422

Caawimada la hadalka kooxdaada daaweynta

Independent Mental Health Advocacy 
1300 947 820
contact@imha.vic.gov.au

Aragtida labaad oo dhakhtar kale

Psychiatric Second Opinion Service
1300 503 426
intake@secondopinion.org.au